
War kooban oo lagu soo daabacay barta X ee Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya in Safiir Karin Johansson ay Gudoomiyaha Guddiga Doorashada kala hadashay inay qabtaan Doorasho loo dhan yahay oo ka micno ah mid ay Soomaali dhan isku waafaqsan yihiin.
Karin Johansson ayaa muujisay sida Midowga Yurub uu diyaar ugu yahay inay Guddigaan la shaqeeyaan balse doorashadu ay noqoto mid loo dhan yahay.
Dowladda Soomaaliya ayaa Guddigaan Doorashada waxa ay u xilsaartay in ay Guud ahaan dalka ka qabtaan Doorasho Qof iyo Cod iyadoo la ogsoon yahay in Dowladda uu khilaaf dhinaca siyaasadda kala dhaxeeyo Maamulada Jubaland iyo Puntland.
Kulankaan Guddiga Doorashada waxa ay ku micneeyeen mid ay Midowga Yurub ay kala hadleen sidii taageeri iyo garab istaag ay uga heli lahaayeen Midowga Yurub si ay u qabtaan Doorashada Qof iyo Codka, halka barta Safaarada EU dana lagu soo daabacay in dhinacyada kawada hadleen in Doorasho loo dhan yahay la qabto.