16.7 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo iyo duqeymo culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, January 28, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal iyo duqeymo xoogan oo Xalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Beera yabaal iyo Jicibow oo hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka iyo duqeynta Xalay dhacday ayaa aheyd mid daba socotay dagaalo qarar oo Shalay dhowr jeer la isku noqday oo dhexmaray ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Duqeynta ayaa la sheegay iney gaareysay ilaa 8 salbo oo jugteeda si weyn looga maqlaayay deegaanada hoostaga magaalooyinka Buula burte iyo Halgan.

Duqeynta ayaa waxaa sidoo kale Xalay barbar socday dagaal aad u culus, kadib kooxda Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah kusoo qaaday deegaanadii Shalay dagaalka looga saaray.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaraaha ka dhashay dagaalada iyo duqeymaha, mana jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo duqeynta is barbar socday ee Xalay ka dhacay deegaanada Beera yabaal iyo Jiciboow, maadaama isgaarsiinta hawada ka maqan tahay.

Lasoco wixii kusoo kordha wararkan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).