13.8 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Ciidamada amniga Puntland oo qaraxyo ka helay guriga nin ajebi ah oo ciidamadu toogteen

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Sabti, January 25, 2025 (HOL) – Taliyaha qeybta Booliiska gobolka Bari gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay inay laamaha amnigu heleen  qaraxyo iyo agab laga sameeyo qaraxyada oo lagasoo saaray hoyga uu degenaa nin ajnebi ah oo ay ciidamada amnigu ku dileen goob uu Miino ku aasayay.

Taliyaha ayaa sheegay, ninkaan inuu kamid ahaa dadka ajnebiga ah ee magaalada Boosaaso lagusoo dhoweeyay, kana ganacsan jiray tusbaxyada iyo catarada, wuxuuna sheegay ahaa dhagarqabe katirsanaa kooxaha argigixisada.

“Waxaan la dagaalamaynaa argigixiso caalami ah, gaar ahaan 195% ajaanib ah. Waxaan rabnaa bulshada inaan u sheegno inay feejignaadaan,” ayuu yiri taliyuhu.

Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir wuxuu sheegay in maamulku baaritaan ku sameyndoono dadka ajaanibta ah ee sida sharci darrada ah ku jooga magaalada Boosaaso. Wuxuu shacabka ugu baaqay in aysan guryahooda ka kirayn qof aysan garanayn.

Dhinaca kale, Ciidamada Amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay nin dhaawac ah oo xalay la socday ninka Ajnebiga ah oo ka tirsanaa kooxda Daacish, kaas oo xalay ciidamadu toogteen xilli uu aasayay qarax Miino.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).