Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in cid walba oo lagu hela iney u hoggaansato amarrada kooxda Al-Shabaab laga qaadi doono tallaabooyin sharciga waafaqsan.
Warsaxafadeedka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in macallimiinta, maamulayaasha, iyo Khadiibyaada hadii lagu helo la shaqeynta Al-Shabaab ineysan heli doonin wax cudur daar ah.
Si kastaba ha ahaatee amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya soo saartay dhankeeda amaro loogu digayo Ganacsatada Soomaaliyeed iney xiriir la sameeyaan kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaarada oo dhameystiran:-