13.4 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Dowladda Fedaraalka oo soo saartay amaro culus oo ku socda Ganacsatada Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 23, 2025 (HOL) – Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay amaro culus oo ay ganacsatada Soomaaliyeed uga digeyso ineysan la shaqeyn karin, waxna aysan u fududeyn karin waxa loogu yeero Argagixisada.

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ganacsadahii lagu helo la macaamilka kooxaha loogu yeero Argagixisada in lagala laaban doono shatika ganacsiga, islamarkaana uusan dib uga dhex ganacsan doonin gudaha dalka.

Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirkaddii ama ganacsigii lagu helo la shaqeynta Al-shabaab in lala wareegi doono dhamaan wixii hanti ah, islamarkaana sharciga lala tiigsan doono.

Warsaxafadeedkaan kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda fedaraalka Soomaaliya dagaal dhan kasto ah ay kula jirto kooxaha loogu yeero Argagixisada ee Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolada dalka.

Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo  dhameystiran:-

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).