13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Haashim Dhaqane Muxumed oo beeniyay inuu dilay afar hawween ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, January 22, 2025 (HOL) – Haashim Dhaqane Muxumed oo loo haysto inuu 4 haween ku dilay dalka Kenya ayaa beeniyay inuu falkaas geystay markii maxkamad lasoo taagay.

Haashim ayaa dafiray dhammaan afarta dacwadood markii uu ka soo hor muuqday xaakimka maxkamadda sare ee caddaaladda Kanyi Kimondo isagoo ka soo baxay xabsi lagu hayay tan iyo bishii November 2024.

Haashim waxa loo haystaa dilka Dahabo Daa’uud Siciid (Waris), Aamina Cabdirashiid Daahir, Musayba Cabdi Maxamed oo isku qoys ah iyo Deeqa Cabdi Nuur Gorane.

Haashim ayaa la xiray horraantii Novembar, 2024, waxaana uu ku jiray xabsiga ilaa Diseembar 24, 2024. Booliiska Kenya ayaa markii hore sheegay in Haashim uu qirtay dambiyada lagusoo eedeeyay, isagoo ciidamada geeyay goobihi uu ku qariyay maydadka dadka uu dilay.

Maxkamadda Sare ayaa la wareegtay kiiskiisa, waxaana booliiska lagu amray in lagu sii haayo xabsiga Nayroobi inta si rasmi ah dacwad loogu soo oogayo. Maxkamadaynta kiiskiisa ayaa loo ballamay Febraayo 11.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).