13.3 C
London
Wednesday, October 8, 2025

Xildhibaan ka tirsan Golaha degaanka Bardaale oo lagu dilay Baydhabo

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Arbaco, January 22, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xalay ay koox hubaysan ay ku dileen meel aan sidaas uga fogeyn Gurigiisa Xildhibaan Cabdulwahaab Maxamed Daqare oo kamid ahaa Xildhibanaada Golaha degaanka ee Bardaale.

Saraakiisha amaanka Baydhaba ayaa shaaca ka qaaday in Kooxdii dilka geeystay ay ka baxsadeen goobta inkastoo wali ay ku raad joogaan.

Weerarada noocaani oo kale ah dhowr jeer waxaa sheegtay ama mas’uuliyadoodi dusha looga tuuro Al shabaab.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka Tacsiyadeeyey Geerida Xildhibaan Cabdulwahaab Maxamed Daqare oo kamid ahaa Xildhibaanadii Golaha Deeganka Degmada Berdaale ee Gobolka Bay.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa faray laamaha amaanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan ay cadaalada ku horkeenaan kuwii ka dambeeyay falkaasi dil.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).