
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, 4-tii Diseembar 2024, kaasoo ku saabsanaa joojinta maalgelinta argagixisada.
NISA waxay shaaca ka qaaday in si dhow loola soconayo dhaqdhaqaaqyada la xiriira la macaamilka Alshabaab, waxayna sheegtay in cid walba oo lagu helo ku lug lahaanshaha maalgelinta argagixisada laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan sharciga dalka.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda ayaa muwaadiniinta ku boorisay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago falalka wxyeellada leh ee kooxda Alshabaab.
