
Wasiir Cali Xoosh ayaa tusaale usoo qaatay Mahatiir Maxamed Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia mudadii badneeyd iyo inta jeer ee uu hogaaminayay wadankaasi.
Sidoo kale Waxa uu ku tusaaleeyay Madaxweyne Erdogan oo Turkiga ka ah nin si weyn u jecelyihiin dhowr doorasho oo dhacdayna ku guuleeystay.
Mahatiir Maxamed ayaa Ra’iisul wasaare ka noqday Malaysia intii u dhaxeysay 1981 ilaa 2003 markale ayaa dib haddana loogu soo magacaabay sanadkii 2018 waxana uu haayay ilaa 2020kii.
Sida Hadalkiisa laga dhadhansan karana Wasiir Cali Xoosh waxa uu muujiyay aqoonta Madaxweynaha inaysan labadaan mas’uul ka liidanin sidaa darteedna aanba doorasho la aadin oo isaga uun dalkaasi Hogaamiye ama dib markii 3aad loo doorto si uu u noqdo Hogaamiyaashan kala maamulay Turkiga iyo Malaysia.
Dowladda Soomaaliya ayaa rajo weyn waxa ay ka qabtaa inay doorasho qof iyo cod ah ka qabato Soomaaliya inkasto mucaaradku sheegeyaan in doorashadaasi aysan xiligaan ku habooneyn dalka kana soo horjeedaan.