
Guddiga ayaa sheegay in Ururadii hore loo diiwan galiyay oo ilaa 100 gaaraya kaliya waxa ay buuxin doonaan Form ka Guddiga soo saareen ayna lamid noqon doonin kuwa cusub sidoo kale aan looga baahneen inay bixiyaan kharashaadka isdiiwaangelinta.
Kuwa Cusub ee doonaya inay isdiiwaan geliyaan ayaa waxaa horyaala inay kasoo gudbaan shuruudaha kala ah, codsiga diiwangelinta oo qoraal ah oo ururka soo sameesanayo, cadeeymo muujinaya qabsoomida shirweyne uu ururka qabsaday, ergada shirweynahaasi ka qeyb gashay iyo ururkaasi Dastuurka uu leeyahay ayaa muhiim u ah in la diiwaangeliyo waxaana usii dheer in ay khidmad lacageed oo isdiiwaangelin ah bixiyaan.
Gudoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in Guddiga uu bilaabi doono howlaha astaynta goobaha diiwaan galinta codbixiyaha ee guud ahaan dalka Sabtida soo socoto oo taariikhda ku began tahay 25 ka Bishaan.
Muran weyn ayaa ka dhashay Magacaabista Guddigaan, Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa horey u sheegay in marnaba aysan suurta gal ahayn in Guddi hal dhinac ah uu Doorasho ka qabto Soomaaliya.