11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Puntland oo sheegtay inay gashay dagaal caalami ah oo ka dhan ah Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Khamiis, January 2, 2025 (HOL) – Puntland ayaa ku dhawaaqday inay dagaal caalami ah kula jirto kooxda Daacish ah ee isku urursatay dhulka buuralayda gobolka Bari, iyadoo dalbatay in laga caawiyo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa hadalkaan ka sheegay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada Puntland oo looga hadlayay arrimo ay ka mid yihiin amniga guud, iyo la dagaalanka argagixisada.

Golaha Wasiirada ayaa bogaadiyay ciidamada difaaca Puntland oo ay sheegeen inay ku guuleysteen inay iska caabiyaan weerar ay Daacish ku soo qaadeen deegaanka Dharjaalle, kaasoo ay ku lug lahaayeen kooxo Ajaanib ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa xaqiijiyay inay ka go’an tahay sii wadida dagaalka ka dhanka ah argagixisada, iyagoo taageero ka helaya dowladda iyo shacabkaooda.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in Puntland ay qayb ka tahay dadaallada caalamiga ah ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida Daacish, kuwaas oo weerarro ka geysta caalamka oo dhan.

Lugatoor ayaa ku baaqday in la iska kaashado la dagaallanka argagixisada, wuxuuna ku booriyay dhammaan ummadaha iyo bulshada in ay u midoobaan joojinta xagjirnimada iyo argagixisada.

Maalintii talaadada ayay ahayd markii kooxda Daacish ay weerar kusoo qaaday tuulada Dharjaalle ee gobolka Bari, halkaas oo ay ku dileen 22 katirsan ciidamada Puntland iyo dhaawacyada tiro intaas ka badan.

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay 12 dagaalame oo ajaanib ah, kuwaas oo adeegsanayay baabuur walxaha qarxa lagasoo buuxiyay. 

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).