11.7 C
London
Monday, October 6, 2025

Soomaaliya oo nus Qarni kadib fadhiisan doonta fadhiga Golaha amaanka Qarama Midoobey

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, January 2, 2025 (HOL) – 54 sano kadib, Soomaaliya ayaa Arbacadii si rasmi ah ugu biirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo horay loogu doortay kursiga xubin aan joogto aheyn 2025-2026, waxaana u bilowday muddo xileedkaan.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn, Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo   laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadka 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa dhamaadka sannadka 2026-ka.

Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay kamid noqotay dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay sanadkii 1960kii.

Booskan ayaa waxa loo doortay bishi June ee sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki,waxaana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalalka Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).