
Danjire Mohamed El-Amine Souef ayaa tilmaamay in howlgalka cusub uu ku saleysan yahay qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo go’aannada Midowga Afrika, isagoo sheegay inuu ka shaqeynayo hawlgallada amni ee dalka.
Danjiraha ayaa ammaan u jeediyay ciidamada ATMIS, Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo saaxiibbada caalamiga ah ee taageeray dadaallada nabadeynta iyo dib-u-dhiska dalka.
Danjiraha ayaa sidoo kale ku bogaadiyey Soomaaliya guulaha nabadda, amniga, iyo horumarka, isagoo xusay in sannadka 2024 uu ahaa mid taariikhi ah.
Souef ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaaliyeed in ay sii wadaan wadajirka iyo iskaashiga si loo gaaro yoolka ah nabad waarta, horumar joogto ah, iyo midnimo qaran.