16.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Dowladda Soomaaliya oo beenisay warar sheegayay iney u yeertay Safiirkeeda dalka Kenya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Axad, January 19, 2025 (HOL) – Wasaaradda arrimaha Dibadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa goordhaw beenisay wararka sheegayay in dowladda Soomaaliya ay ugu yeertay wadatashi deg deg ah Safiirkeeda dalka Kenya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay ineysan dowladda u yeerin Safiirkeeda dalka Kenya, islamarkaana wararkaasi yihiin kuwa been abuur ah.

Wararka baraha bulshada lagu faafiyay ayaa ahaa kuwa la xariiray in dowladda Soomaaliya ay wadatashi deg deg ah ugu yeertay inuu Muqdisho u yimaado safiirkeeda u jooga dalka Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle, si looga arinsado safarkii Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu ku tagay Nairobi, isagoo diyaarad gaar ah ay ka qaaday Kismaayo.

“Warka la wareejinayo baraha bulshada ee ku saabsan in aan ugu yeerannay Safiirkeena noo qaabilsan Kenya inuu yimaado Caasimadda Muqdisho ay tahay war aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa kusoo aadaya, iyadoo saacadahii lasoo dhaafay baraha bulshada uu si weyn u qabsaday warka la xariiray in dowladda Soomaaliya ay u yeertay Safiirkeedii dalka Kenya Jabriil Ibraahin Cabdulle inuu Muqdisho deg deg ku yimaado.

Ugu dambeyntii dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa mudooyinkii dambe xiriirkooda diblomaasiyadeed waxa uu ahaa mid wanaagsan, tan iyo markii uu dalkaasi Kenya madaxweynaha ka noqday Wiliam Ruto.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).