
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa halkaas kulan muhiim ah kula qaatay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Taliyaasha ciidamada qalabka sida iyo hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka.
Kulankaan ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ahaa mid madaxweynaha iyo taliyaasha ay uga wada hadleen sidii loo dardar galin lahaa howlgalada ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka ee ka dhanka kooxda Al-shabaab.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulanka warbixino uga dhageystay hogaanka ciidamada dowladda Fedaraalka, wuxuuna bogaadiyey daddaallada ay wadaan ciidamada xoogga dalka ee ku aadan ciribtirka Al-shabaab.
Kulankaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowlada fedaraalka Soomaaliya ay muddooyinkii dambe waday kor u qaadista tayaynta cidamada ee xagga saanadda iyo tababarada.