Waxaa xusid mudan in Dolow ay xayiraad dhanka duulimaadka ay kusoo rogtay Dowladda Soomaaliya, waxaana wafdigaan Kismaayo kasoo qaaday diyaarad gaar ah oo kasoo kicitintay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya sida ay xogaha sheegayaan.
Waftigaan waxa ay ka koobnayeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jubbaland, Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, iyo masuuliyiin kale.
Tvga Jubaland ayaa ku sheegay ujeedka socdaalka waftigaan ayaa ah inay xoojiyaan hawlaha ay wadaan masuuliyiinta horay ugu sugnaa degmada Doolow, kuwaas oo ku howlan sugidda amniga iyo horumarinta deegaannada gobolka Gedo.
Masuuliyiintan ayaa la filayaa inay si dhow ula shaqeeyaan madaxda iyo hay’adaha kale ee Jubbaland si loo xoojiyo amniga, dib u heshiisiinta, iyo horumarinta gobolka Gedo.