
xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka ayaa
howlgal qorsheysan oo ka dhacay duleedka magaalada Baledweyne, gaar
ahaan agagaarka deegaanka Baardheere ku qabtay gaari hub u siday kooxda
Al-shabaab.
howlgalka lagu soo qabtay oo noociisu yahay Suksuki ayaa siday hub ka
kooban 13 qori oo ah noocaada Soomaalidu u taqaano Ak47, kuwaas oo lagu
soo bandhigay xarunta Taliska Militariga gobolka Hiiraan.
guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Maxamuud Xasan
Ibraahim Baakaay oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in laba maalin ka
hor hayeen xogta gaarigan hubka lagu qabtay.
gadaasheyda safan waa qoryo laga soo qabtay argagixisada, gaarigaan
ayaa lagu siday, waana cusub yahay baabuurka iyo qoryaha saaran, mudo
laba maalmood ah ayaan haynay xogta hubkan, uuna yahay hub u gudbaayo
argagixisada, kadibna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu yiri Taliye
Baakaay.
sidoo kale xusay inuu baxsaday darawalkii waday gaarigaan lagu qabtay
hubka, islamarkaana ay la wareegeen gaariga iyo hubka uu siday.
iyo hubkan uu siday dowladda ayaa la wareegtay amarka lagu soo qabtay
anaga ayaa bixinay, waxuuna u socday waxay ahayd argagixisada” ayuu yiri
Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka Maxamuud
Xasan Ibraahim Baakaay.
lagu soo qabtay gaariga hubka u siday Al-shabaab ayaa kusoo aadaya,
iyadoo dhawaan ciidanka dowladda Fedaraalka Soomaaliya si rasmi loogu
wareejiyay amniga guud ee magaalada Baledweyne iyo deegaanada
hoosyimaada.