
Wasiir Fiqi ayaa falcelintaan waxa uu la wadaagay dadka adeegsada Baraha Bulshada isagoo barta uu kuleeyahay Facebook kusoo qoray sidaan; “Barlamaanka ay Seddexdaan oday ka tirsan yihiin ayaa ansixiyey Doorashada ay ka cabanayaan, Guddiga doorashada madaxa banaanna maalmaha soo socda in ay ku dhawaaqi doonaan Jadwalka Doorashada ayay inoo sheegeen.! Malaha ayadaa laga hordhacayaa.!”
Wasiir Fiqi ayaa tusaale ahaan usoo qaatay diidmada Mucaaradka ee nidaamka Doorashada iyo dhaliisha ay kala dul dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh isagoo tilmaamay in Sanado ka hor ay madaxweynihii hore ku eedayn jireen doorasho diid, haddana ay madaxweynahaan ku eedaynayaan doorasho qof iyo cod ayuu qabanayaa (doorasho Doon).
Waxa uu qoraalkiisa kusoo gunaanuday Wasiir Fiqi inuu ugu baaqay Mucaaradka inay Doorasho isku diyaariyaan oo xisbiyada la howlgaliyo.