13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Puntland oo gacanta ku dhigtay xisaabiyihii kooxdii qabsatay markabkii MV Abdullah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, January 13, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Gobolka Mudug ay ku guulaysteen qabashada Xisaabiyihii kooxdii qabsaday Markabkii MV Abdullah ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.

Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay ciidanku ka fuliyeen magaalada Galkacyo lagu soo qabtay Cali Axmed Cali Shirwac da’diisa 39jir ina Luul jaamac guuleed ahna Xisabiyihii markabkii MV Abdullah.

“Ciidanka booliska Gobolka Mudug ee magalada Galkacyo ayaa maanta ku guulaystay qabashada  Xisaabiyihii  Markabkii MV Abdullah ee laga Lahaa dalka Bangaladesh.” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska

Taliyaha qeybta Booliska G.Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yusuf oo warbixin ka bixiyey hawlgalkaan ayaa fariin adag u diray cid kasta oo ku lug leh falalka burcadnimada in ay gacanta ay ku dhigayaan.

Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ayaa bilihii lasoo dhaafay ee dhamaadkii sanadkii 2024 waxa ay xoojiyeen ugaarsiga maraakiibta iyo doomaha kale ee iyagu maraya biyaha Soomaaliya kuwaasi oo ay markii ay qabtaan ay ku badashaan lacago malaayiin ah oo madax furasho ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).