13.4 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Wararkii ugu dambeeyay dabka ka holcaya Los Angeles iyo khasaaraha ka dhashay oo sii kordhaya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, January 13, 2025 (HOL) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha uu geysanayo dabka maalintii lixaad ka holcaya qeybo ka mid ah magaaalada Los Angeles ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Kooxaha dab damiska ah ayaa wali si xoogan ula tacaalaya sidii ay u damin lahayeen dabka marba marka ka sambeysa sida aadka ah ugu sii faafaya magaaladaas.

Dab damiska dalka Mareykanka ayaa xoogga saaraya laba dab oo waa weyn oo ka ololaya Galbeedka iyo Bariga magaaladaas, ka hor inta aysan bilaaban dabeylo laga cabsi qabo iney  uga sii daraan ololka dabka hada socda oo la sheegay iney kusoo wajahan yihiin Los Angeles.

Guddoomiyaha gobolka California Gavin Newsom ayaa sheegay in ugu yaraan dadka ku dhintay dabkaan ay gaarayaan 24 ruux ayna ku basbeeleen in ka badan 12 kun oo guri, halka ay ku barakaceen dad gaaraya 100,000 oo qof.

Xaafadaha uu dabka sida weyn u baab’iyay waxaa dagana oo guryo qaali ah ku lahaa shaqsiyaad si weyn looga dhex yaqaano dalka Mareykanka iyo guud ahaan caalamka, waxana daminta dabkaan ku howlan diyaaradaha iyo gaadiidka dab damiska dalkaas.

Ugu dambeyntii guddoomiyaha gobolka California Newsom oo la hadlaayay telefishanka NBC News ayaa dabkan ku tilmaamay inuu yahay mid u muuqdo masiibo dabiici ah tii ugu xumeyd ee soo marto taariikhda dalka Mareykanka, marka loo fiiriyo khasaaraha hantiyeed ee uu geystay.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).