12.1 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Soomaaliya oo dadaal ugu jirta in Itoobiya loo helo qoondada ciidamada uga qeyb galaya Howlgalka Cusub AUSSOM

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, January 13, 2025 (HOL) – Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii Itoobiya loogu dari lahaa qoondada ciidamo ee howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya horey u qeybisay tirada guud ee ciidamada iyo dalalka laga filayo inay ka yimaadaan. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu xusay inay weli ka shaqeynayaan sidii loo xallin lahaa qoondada ay Itoobiya ku yeelan karto.

“Caqabadaha Itoobiya ka hor istaagay inay qayb ka noqoto AUSSOM waxa ay salka ku hayeen heshiiska MOU. Hadda caqabaddaas waa la xalliyay, balse caqabadu waxay ka jirtaa tiradii loo qorsheeyay oo intooda badan horey loo qeybiyay, wax harsanna ma jiraan. Sidaas darteed, waxaan ku dadaaleynaa sidii arrintaas xal looga gaari lahaa,” ayuu yiri Cali Balcad.

Wasiirku intaas ku daray in maalmaha soo socda wafdi ka socda dowladda Soomaaliya ay u ambabixi doonaan Itoobiya si ay ugala xaajoodaan arrimaha farsamo ee howlgalka AUSSOM.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in Itoobiya ay dhowaan soo magacaabi doonto safiirkeeda Soomaaliya, halka safiirka  Soomaaliya ee Itoobiya uu si rasmi ah u bilaabi doono shaqadiisa.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).