
Booqashadu waxay ujeedadeedu tahay in kor loo qaado xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya.
Labada mas’uul inta uu kulankoodi soconayo waxay isla soo hadal qaadi doonaan qodobadii kuxusnaa heshiiskii Ankara ee xusaayay in Itoobiya ay hesho marin biyood ganacsi ah oo ay muraaqabeeneyso Dowladda Soomaaliya.
Heshiiska Ankara waxa uu dib albaabada ugu furay inay Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka hadli karaan danaha labada dal iyo mida geeska Afrika iyadoo la ogsoonyahay in Itoobiya ay qeyb ka tahay howlgalka Midowga Afrika ee nabadeeynta Soomaaliya.
Booqashadaan ayaa noqonaysa tii ugu horeysay ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Itoobiya, tan iyo markii uu dib u soo celiyay xiriirkii diblomaasiyadeed ee xumaaday horaantii sanadkan 2024-ka, ka dib markii ay xiisad ka dhalatay heshiis muran dhaliyay oo dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland.