13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Ciidamada Puntland oo ku guulaystay furista Miinooyin ay Daacish dhigeen iyo burburinta xeryo gabbaad u ahaa kooxda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, January 11, 2025 (HOL) – Ciidamada la dagaalanka argagixisada ee Puntland ayaa ku guulaystay furista miinooyin ay kooxda Daacish ku aaseen waddooyinka soo gala dhulka buuralayda ah ee Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Miinooyinkan, oo la sheegay in si istaraatiiji ah loo dhigay, ayay ciidamadu sheegeen in loo qorsheeyay in lagu bartilmaameedsado ciidamada howlgalka sifaynta ah ka wada buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sidoo kale, ciidamada Puntland ayaa burburiyay shan xero oo ay lahaayeen kooxda Daacish, iyagoo ka helay kayd raashin ah iyo agab kale oo muhiim u ahaa kooxda.

Daacish ayaa isaga carartay xeryahaasi ka dib markii ciidamada Puntland ay gaareen degaanada ay ku dhuumaalaysanayeen.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa goor dhow qabanaya shir jaraa’id oo uu ku faahfaahinayo guulaha ay ciidamada Puntland ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Goor sii horraysay oo maanta ah, maamulka Puntland ayaa caalamka ka dalbaday taageero ku saabsan dagaalka ay kula jiraan Daacish iyo Alshabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).