13.3 C
London
Tuesday, October 7, 2025

Somaliland oo Qorshaynaysa In Ay La Wareegto Maamulka Hawadeeda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, January 11, 2025 (HOL) – Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in ay la wareegto maamulka hawadeeda, iyada oo kaashanaysa khubaro sharci oo caalami ah.

Wasiirka Duulista iyo Horumarinta Madaarada Somaliland, Fu’aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in wax-qabadkiisa ay ka mid noqon doonto in uu gacanta Somaliland soo galiyo maamulka hawada, oo imika ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya.

“Marka laga hadlayo arrimaha maamulka hawada waxa jira khilaaf naga dhexeeya annaga iyo Soomaaliya, waxaana noo qorshaysan in aanu soo celinno maamulka hawada Somaliland,” ayuu yidhi Wasiir Fu’aad.

Wasiirka oo faahfaahin ka bixiyay habka iyo nidaamka uu u marayo tallaabadan, ayaa sheegay in uu u mari doono waddo sharci, isla markaana ay xukuumaddu raadsan doonto khubaro sharci oo caalami ah, kuwaasi oo kala talin doona sidii loo wajihi lahaa doodda hawada.

“Si sharci ah ayaannu kula wareegi doonaa maamulka hawadayada. Qorshahayagu waxa weeyaan in aanu raadsanno taageero sharci oo caalami ah, taasi oo noo fududayn doonta in aanu la wareegno maamulka hawadayada,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu wasiirku intaa ku daray in uu ka shaqayn doono ballaadhinta madaarrada Somaliland, isaga oo sheegay in uu dib u dhis ku samayn doono madaarrada Burco iyo Boorama, isla markaana uu si buuxda u hawlgelin doono madaarka casriga ah ee Berbera.

Horaantii sannadkii 2024, ayaa waxa soo shaac baxay khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya hay’addaha duulista ee Soomaaliya iyo Somaliland, kuwaas oo ku muransan sidii loo maamuli lahaa hawada, oo markii hore ay gacanta ku haysay hay’adda caalami ah, isla markaana sannado ka hor lagu soo celiyay gacanta dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).