
Kulanka labada Wasiir ayaa ahaa mid ay kaga wad hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka iskaashi ee dhanka ciidanka iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar.
Waxaa sidoo kale labadaan masuul waxyaabaha ay ka wada hadleen ka kid ahaa howlgalka cusub ee Midowga Africa ee AUSSOM oo si rasmi ah bilaawday kowdii bishaan Janaayo 2025.
“Waxaan magaalada Qaahira kula kulmay Abdel Majid Saqr, Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Masar, oo aanu ka wada hadalnay xoojinta iskaashiga dhinaca difaaca ee labada dal. Wadahadaladayadu waxaan sidoo kale diirada ku saarney ka qayb galka dowlada Masar ee howlgalka cusub Midowga Afrika ee AUSSOM” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay dowladda Masar taageerada joogtada ah ee dhanka qalabaynta iyo tababarada ciidanka xooga dalka Soomaaliya iyo doorkeeda ku aadan ciribtirka kooxda Al-shabaab.