16.8 C
London
Monday, October 6, 2025

Kooxda Daacish oo war kasoo saartay weerarkii ay la beegsadeen ciidamada Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img

Arbaco, January 1, 2025 (HOL) – Kooxda Daacish ayaa si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkii subaxnimadii talaadada lagu qaaday saldhigga ciidanka Puntland ee ku yaalla tuulada Dharjaale ee gobolka Bari, sida ay kooxdu ku baahisay warkaan barteeda Telegram-ka.

War saxaafadeed ay soo saartay kooxda Daacish ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen 12 dagaalame iyo labo baabuur oo ay qarax ku xiran yihiin, iyagoo intaa ku dartay inay dileen ku dhawaad 22 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, ayna ku dhaawacmeen tobaneeyo kale.

Talaadadii, saraakiisha ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ismiidaamin ah oo kooxda Daacish  ay ku soo qaadday saldhig ciidan oo ku yaalla Dharjaale.

Kabtan Yuusuf Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Puntland ee la dagaalanka argagixisada ayaa u sheegay Reuters in 9 qof oo ismiidaamiyey ay ku dhinteen tiro kalena ay ku dhaawacmeen, weerarka ka dhacay degaanka Dharjaale.
- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).