13.8 C
London
Friday, October 10, 2025

Dowladaha Turkiga iyo Itoobiya oo ka wadahadlay hirgelinta bayaankii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, February 7, 2025 (HOL) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ayaa ka wadahadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa bayaankii ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku soo saareen magaalada Ankara 11-kii December 2024, si loo dejiyo xiisaddii u dhaxaysay labada dal.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya kadib kulanka dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos, iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga, Burhanettin Duran, ayaa lagu sheegay in dhinacyadu ay isla soo qaadeen wadaxaajoodyadii farsamo ee lagu balamay.

“Labada dhinac waxay is-weydaarsadeen aragtiyo ku saabsan wadaxaajoodyada farsamo ee soo socda ee la xidhiidha hirgelinta Bayaan-kii Ankara,” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya.

Bayaanka Ankara ayaa dawo u noqday xiisad ku dhowaad sannad ka dhex taagnayd dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kadib heshiiskii is-afgarad ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya kaasi oo dhigayay in Somaliland ay marin badeed siiso Itoobiya , Itoobiyana ay Somaliland aqoonsato, heshiiskaas oo Soomaaliya ay ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanideeda.

Bayaankan oo soo baxay kadib kulamo is-xigxigay oo uu gadhwadeen ka ahaa Turkigu, ayaa lagu heshiiyay in la bilaabo kulamo farsamo oo horseed u noqon doona heshiis buuxa oo labada dal dhex mara, kuwaas oo laga rajo qabo in ay bilaabmaan horraanta sannadkan 2025.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in labada waddan uu midba midka kale ixtiraamo madaxbannaanidiisa, in Soomaaliya ay ogolaato in ciidamada Itoobiya ay kasii mid ahaadaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyo in Itoobiya la siiyo marin badeed iyada oo aan la dhaawacayn madaxbannaanida Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).