13.7 C
London
Friday, October 10, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo safar hal maalin ah ku gaaray dalka Uganda

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, February 7, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Kambaala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay, waxaana uu la kulmay Madaxweynaha wadankaasi.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu la kulmay dhiggiisa Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Museveni oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Intaas kaddib, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa galabta u amba-bixi doona magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya, si uu uga qayb galo shir aan caadi ahayn oo looga arrinsanayo colaadda ka aloosan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo.

Shirka Daarusalaam ayaa lagu xoojinayaa dadaallada lagu daminayo xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka, iyadoo Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay iskaashi buuxa iyo taageero ku aaddan nabadda iyo horumarka mandiqadda.

Shirkaan ayaa lagu wadaa todobaadka soo socda inuu ka furmo magaalada Daru Salaam waxayna madaxda falanqeyn doonaan habka ugu fudud ee la joojin karo colaada ka taagan dalka Koongo.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).