
Shirkaan ayaa la filayaa inuu socon doono muddo labo cisho ah inta u dhaxeeysa 07-08 Febraayo.
Shirkan ayaa ujeedadiisu daaran tahay in la soo saaro talooyin, go’aanno iyo war-murtiyeed qabyo ah oo madaxda dowladuhu falanqayn doonaan inta aan la faafin, iyadoo diiradda lagu saarayo daminta xiisadda, joojinta colaadda, iyo xaqiijinta bedqabka dadka rayidka ah.
Wasiir Axmed Fiqi ayaa la filayaa in inta shirku socdo uu kulamo doceedyo la yeesho qaar ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah Urur goboleedyada EAC iyo SADC.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxda wadamada Kenya, Uganda, Rwanda, Congo iyo Koofur Africa ayaa shirkaan ka qeyb galaya waxaana ay ka doodi doonaan xal waara laga gaaro dhibaatada Dalka Congo ka taagan.