
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda difaaca dalkaasi ayaa lagu sheegay in ilaalada xeebaha ay ka war heleen khatarta ay ku jireen tahriibayaasha kusugneeyd meel qiyaastii 40 nautical miles kaga beegan waqooyiga El-Aouana ee gobolka Jijel,”.
Bayaanka waxaa lagu sheegay in lasoo badbaadiyay lix iyo toban (16) muwaadiniin Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan laba haween ah oo ku jiray xaalado caafimaad oo halis ah.
Waxaana Shaqsiyaadkaan tahriibyay la geeyay dekedda Djen Djen ee Gobolka Jijel, halkaas oo ay ku heleen daryeel caafimaad oo bilow ah ka hor inta aan loo gudbin isbitaal si loogu daweeyo,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda kasoo baxay.
Ugu dambeyn bayaanka waxaa lagu yiri “Howlgalkani wuxuu muujinayaa dadaalka joogtada ah ee cutubyada Ilaalada Xeebaha ee dalka Aljeeriya sida ay uga go’an tahay samata bixinta, si loo badbaadiyo nolosha aadanaha,”.