10.2 C
London
Thursday, October 9, 2025

Jubbaland oo maanta dib ula wareegtay xaruntii maamulka degmada Baardheere

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 4, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay goordhaw dib ula wareegeen xaruntii maamulka ee degmadaas.

Xaruntaan ayaa aheyd mudooyinkii dambe mid ay gacanta ku hayeen ciidamo ka amar qaata dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwaas oo Xalay baneeyay xarunta degmada Baardheere.

Ka bixtaanka ciidamada taabacsana dowladda Fedaraalka ay ka baxeen xaruntii degmada Baardheere ayaa la sheegay iney salka ku hayso kala furfur lagu sameeyay ciidamada mudooyinkii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa.

Gudoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Aadan Muxumad Axmed iyo xubanaha kale ee maamulka dib ula wareegay xarunta degmada ayaa halkaasi ku sameeyay kormeer ay ku hubinayeen xaalada xaruntan oo loogu adeegi jiray shacabka ku nool Baardheere.

Guddoomiye Aadan Muxumad ayaa sidoo kale sheegay in hada xarunta degmada Baardheere ay si buuxdo gacanta ugu hayaan, wuxuuna xusay iney diyaar u yihiin ka maamul ahaan in ay ugu adeegaan bulshada ku nool degmada.

Si kastaba ha ahaatee dib ula wareegista xaruntan ee maamulka Jubbaland ayaa kusoo aadeysa, iyadoo mudooyinkii dambe maamulka magaalada ay si weyn ugu loo lamayeen Jubbaland iyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).