10.2 C
London
Thursday, October 9, 2025

Wasaaraddaha Cadaaladda Soomaaliya iyo Masar oo Muqdisho ku yeeshay kulan muhiim ah

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 4, 2025 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Wasaaradda Cadaaladda ee dalka Masar.

Kulanka ayaa labada dhinac waxay diiradda ku saareen xoojinta iskaashiga garsoorka ee labada dal, gaar ahaan horumarinta nidaamka Cadaaladda Soomaaliya, waxaana kulanka qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Cadaaladda Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Wasiir ku xigeenka Cadaaladda Axmed Cabdiraxmaan Xasan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Kulankan ayaa ah mid daba socda dhameytirka kulamo horay labada Wasaaradood ugu soo yeesheen magaalada Qaahira ee dalkaasi Masar bishi Novembar ee sanadkii tagay, kuwaas oo la xariiray kor u qaadista, tayeynta garsoorka iyo horumarinta Cadaaladda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka ayaa lagu sheegay in kulanka ay labada dhinac iskula meel dhigeen xoojinta arrimaha iskaashiga, tababarka, garsoorka iyo cusboonaysiinta shuruucda, si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxtarka hay’adaha Cadaaladda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin Maxamuud ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar wada shaqeynta joogtada ah ee kala dhaxeysa dowladda Soomaaliya, isagoona muujiyay muhiimada iskaashiga garsoorka ee labada dal si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasilooni siyaasadeed.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).