
Wasiirka oo marti ku ahaa barnaamij gaar ah oo ka baxaayay Tvga Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in meelaha laga arkay bisha ay kamid tahay meelo kamid ah degaanada Somaliland sida Hargeysa, meel u dhow Berbara iyo Burco.
Sheekh Mukhtaar ayaa xusay in degaanada kale ee Bisha laga soo sheegay oo ay dadkii arkay dhaariyeen ay kamid yihiin meelo kamid ah magaalada Garowe, waxaana uu xusay intaas kadib inay shaacinayaan in maalinta Sabtida oo 1da March ah ay tahay maalinta 1aad ee Bisha Ramadaan.
Madaxda Dowladda iyo mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya ayaa ummadda Soomaaliya ugu baaqay inay is cafiyaan ayna ka faaideystaan Bisha Ramadaan waxaana ay ugu hambalyeeyeen bilashada Bisha Soon.
Dowladdaha kale ee Caalamka ayaa sheegay in maalinta Sabtida ay soomayaan maadama inta badan wadamada islaamka laga arkay Bisha Ramadaan.