13.3 C
London
Monday, October 13, 2025

Kooxda Al shabaab oo weerar ku qaaday Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, February 27, 2025 (HOL) – Faahfaahino dheeraad ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo dhowr jiho ah oo saakay ay ku qaadeen Dagaalamaayaasha Al-Shabaab degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe oo 30KM u jirta magaalada Muqdisho.

Wararka ayaana sheegaya In Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda uu dagaal culus uu ku dhexmaray gudaha Degmada Balcad sida dadka deegaanka ay sheegeen, Saacado waxaa la maqlaayay daryanka hubka culus oo labada dhinac ay is waydaarsanayeen.

Wararka qaar ee la helaayo ayaa sheegaya in dagaalamayaasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday ay gudaha u galeen xarunta degmada Balcad iyo saldhiga Booliska.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka dowladda iyo Al shabaab uu dagaal kale uu ku dhexmaray Buundada laga soo gelo Magaaladaas waxaana la isku adeegsanaya hubka culus.

Wararka aynu xiligaan ka heleyno gudaha magaalada ayaa kusoo waramaya in Al shabaabkii Degmada soo weerartay dib looga ceeriyay, waxaana wararku ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay garab ka heleen ciidanka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Dhowr jeer ayay sidaan oo kale ay Al shabaab u weerartay Degmada Balcad, waxaana weerarkaan uu imaanaya iyadoo gobolka Shabeellaha Dhexe uu ka socdo howlgallo Kooxda looga ciribtiraayo Soomaaliya.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).