
Go’aankan ayaa daba socda khilaaf ku saabsan qoondada ciidamada howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Wadahadalo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Burundi ayaa lagu guuldareystay in lagu heshiiyo, gaar ahaan ka dib markii Bujumbura ay dalbatay in qeyb weyn laga siiyo Ciidamada AUSSOM. Markii la diiday codsigeeda, Burundi waxay dooratay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, taasoo calaamad u ah soo afjaridda ka qaybqaadashadeedii dheeraa ee hawlgallada amniga ee Soomaaliya.
Burundi ayaa waxay noqotay dalkii labaad ee ciidammo u soo dira Soomaaliya sannadkii 2007-dii, iyagoo qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo Uganda ay ahayd dalkii ugu horreeyay. Sanadihii ugu dambeeyay ciidamada Burundi ayaa kaalin ka qaadanayay howlgallada ka socda Banaadir iyo Shabeellaha Dhexe.