13.2 C
London
Sunday, October 12, 2025

Jubaland oo gogol nabadeed kala dhex dhigtay 3 beel oo ku dagaalantay Degmada Luuq

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Jimco, February 21, 2025 (HOL) – Wararka ka imaanaya magaalada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Dowladda Jubaland, Maxamuud Sayid Aadan, uu soo gabagabeeyay shir looga hadlayay sidii xal waar looga gaari lahaa dagaalka Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay gogosha nabadeed ay dhigtay Degmada Doolow oo ay odayaasha iyo waxgaradka ay ku wada hadli doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalkii 3 da Beel ku dhexmaray Degmada Luuq.

Waxa uu Madaxweyne kuxigeenka 1aad Maxamuud Sayid Aadan uu sheegay in Jubbaland ay bixin doonto kharashaadka ku baxaya gogoshaan nabadeed inta la fadhiyo waxaana uu ku baaqay in laga waantoobo dagaalada qabaailka ku salaysan.

“Cidii Shirkaan nabadeed wixii kasoo baxa jabisa iyada ayaan kula xisaabtami doonaa, waxay Jubbaland diyaar u tahay inay fududeeyso wax walba oo kharashaad ah ee ku baxaya gogoshaan nabadeed” ayuu ku yiri Shir jaraaid uu qabtay Maxamuud Sayid Aadan.

Ugu dambeeyn waxa uu dadka degaanada Gobolka Gedo gaar ahaan Luuq ugu baaqay in nabadda lawada qaato ayna muhiim u tahay arrimaha nabad galyada iyo xisiloonida guud ahaan Gobolka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).