11.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Puntland oo sheegtay in 46 Xubnood oo Daacish ah lagu dilay duqayntii Calmiskaad

- Advertisement -spot_imgspot_img

 

Axad, February 2, 2025 (HOL) – Afhayeenka ciidamada Puntland ee howlgalka ka dhanka ah Daacish, Gen. Maxamuud Maxamed Axmed (Faadhigo), ayaa faahfaahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay duqayn ay diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Gen. Faadhigo ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay 46 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, xogtana lagu xaqiijiyay warbixinno ay heleen dowladda Maraykanka iyo sirdoonka Puntland.

Afhayeenku wuxuu xusay in duqeymuhu ay burburiyeen godad ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish. Inkastoo uusan sheegin saraakiil caan ah oo lagu dilay, haddana wuxuu sheegay  in la shaacin doono magacyada xubnaha lagu qaarijiyay weerarka markii xogta si dhameystiran loo helo.

Sidoo kale, Gen. Faadhigo wuxuu tilmaamay in ciidamada Puntland lagu amray in goobaha la duqeeyay ay tegi karaan 24 saac gudahood, balse ay jirto cabsi ku aaddan waxyeello ay kala kulmi karaan haraadiga kiimikada ka dhalatay duqeymaha.

Mar uu ka hadlayay dowladda Federaalka, wuxuu caddeeyay in aysan wax shaqo ah ku lahayn howlgallada ka socda Puntland, gaar ahaan duqeymadii ka dhacay Calmiskaad. Wuxuu xusay in muddo saddex bilood ah ay dowladda Federaalka ka aamusanayd dagaalka ay Puntland kula jirto kooxda Daacish.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).