Taliyaha oo la hadlay saxaafadda ayaa xusay in howlgal ballaaran oo ka dhan ah Daacish uu ka socdo magaalada Boosaaso, isla markaana shacabka si dhow ula shaqeynayaan ciidamada amniga, taasoo sare u qaaday guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxdaas.
Gaashaanle sare Dirir wuxuu hoosta ka xarriiqay in howlgalladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Daacish iyo Shabaab ee Boosaaso, isagoo xusay in firxad badan oo ka soo cararay buuraha Calmiskaad ay gacanta ugu jiraan laamaha amniga.
magaalada Boosaaso ayaa ka mid ahayd goobaha ay Daacish sida weyn uga ururin jireen lacagaha ay ugu magac dareen “Sakawaadka,” iyagoo bartilmaameedsan jiray cid kasta oo diidda bixinta baadda.
Wararka ayaa sheegaya in ganacsatadii hore u bixin jirtay lacagaha ay hadda joojiyeen, tan iyo markii uu billowday dagaalka ka dhanka ah Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad, kaasoo xaddiday dhaqdhaqaaqa kooxda.