
Madaxweynaha, oo dhammaan badhasaabyada gobollada Somaliland kula shiray madaxtooyada, ayaa faray in la dhiso nabad ka timaadda bulshada iyo nidaam xukuumadeed oo ay bulshadu raalli ka tahay, kaasoo horseed u noqonaya in bulshadu midowdo oo deganaato.
Waxa uu badhasaabyada gobollada faray in dhammaan muwaadiniinta si siman loogu garsooro, isla markaana la gaadhsiiyo dhammaan adeegyada xukuumadda iyada oo aan loo kala qaybinayn mucaarad iyo muxaafid, si loo xoojiyo midnimada iyo nabadda.
“Dhaqankii ahaa xisbi hebel dowladda ayuu taageersan yahay ama wuu kasoo horjeedaa waa in la beddelaa. Waa in muwaadinku dareemo in aynu madaxdiisii nahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.
Madaxweynaha ayaa dhawaan magacaabay guddi loogu talogalay horumarinta dhismaha nabadda, kuwaasoo xal nabadeed u raadindoona shaqaaqooyinka, isla markaana cilmi-baadhis ku samayn doona waxyaabaha nabadgelyo-darrada sababa si looga hortago.