15.1 C
London
Saturday, October 11, 2025

Beeralayda Qaadka dalka Kenya oo dalbaday in la kordhiyo qiimaha Jaadka loo dhoofiyo Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Khamiis, February 13, 2025 (HOL) – Ururka beeralayda Qaadka ee dalka Kenya ayaa dalbaday in qiimaha Jaadka loo iib gaynayo Soomaaliya lagu kordhiyo Sh300 halkii kiilo. Dhoofiyayaasha Jaadka ayay codsadeen in lagu cadaadiyo in ay bixiyaan ilaa 200,000 oo ah Shilinka Kenya halkii jawaan oo jaadka nooca Griid ah.

“Baadhitaankayaga, waxaan ogaanay in halkii kiilo jaad ah uu Muqdisho ku iibsamo ilaa Sh5,700, halka beeraleydu ay helaan kaliya Sh300. Waxaan kaliya weydiisanaynaa dhoofiyayaasha in ay beeraleyda u qoondeeyaan Sh1,000 oo dheeri ah. Waa wax lala yaabo in kharashka gaadiidka lagu geeyo Muqdisho uu ka badan yahay Sh3,000 halkii kiilo,” ayuu yiri guddoomiyaha beeralayda Qaadka dalka Kenya Mr. Karuiru.

Wuxuu intaa ku daray in beeraleyda iyo ganacsatada jaadka ee deegaanka ay isla garteen in ay sii wadaan joojinta dhoofinta qaadka ilaa laga fulinayo dalabkooda.

“Waxaan diyaar u nahay in aan u dulqaadanno dhibaatooyinka dhaqaale si aan u helno qiime caddaalad ah,” ayuu adkeeyay.

Guddiga Qiimeynta Jaadka ee Hay’adda Beeraha iyo Cuntada (AFA) ayaa aqoonsaday cabashooyinka beeraleyda iyo ganacsatada. Guddoomiyaha guddiga, Mr. James Mithika, ayaa xaqiijiyay in ay la kulmeen dhinacyada ay quseyso, isla markaana ay soo jeediyeen hannaan cusub oo qiimeyn ah.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).