
28-shirkadood oo tartankaan horey usoo galay, ayaa kaliya waxaa kusoo baxay afar shirkadood oo kala ah 1-Kulmiye, 2-Docol, 3-Dhis, 4- Buruuj, waxaana goobta ay munasaabadan ka dhaceysay goob joog ka ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan DFS, Ganacsato iyo qeybaha Bulshada.
Wadooyinka la dhiso doono ayaa waxaa maal-galinaya Mashruuca Nagaad ee ay maamusho Wasaaradda Hawlaha Guud Soomaaliya, Waxaana ka mid ah Waddada Keysaneey, Dhameystirka Waddada Dayniile, Waddada weyn ee Dagmada Kaxda, Waddada Isbitaal Madiino, Wadada Nasiib-Buundo ilaa madaxtooyada, iyo Waddooyinka xiriiriya shangani iyo via Rooma ee Degmada Xamar Weyne.
Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud Dib u Dhiska Iyo Guryeynta Dr Cilmi Maxamud Nur ayaa sheegay in ay ka go’antahay dib u dhiska Waddooyinka bur-buray ee dalka, Mashruucan Nagaadna uu kaalin weyn ka gaystay dhismaha & bilicda Waddooyinka dhexmara Magaalooyinka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa bogaadiyay mashruuca Nagaad ee gobalka Banaadir kaas oo ah mashruuc qeyb weyn ka qaatay horumarinta bilicda Caasimadda, gaar ahaan dib udhiska Waddooyinka iyo kaabashayaasha dhaqaalaha.
Ugu dambeeyn, Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir sida ay oga go’an tahay in Caasimadda ay la jaan qaado Magaalooyinka dhigeeda ee horumaray.