15 C
London
Friday, October 10, 2025

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo bil Mushaarkiisa ku taageeray Sanduuqa Taakuleeynta Ciidamada Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 11, 2025 (HOL) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in bil mushaarkiisa uu u qoondeeyay inuu ku taageero ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish sida uu qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in la la joogo sidii midnimo looga qeyb qaadan lahaa in Ciidamada Puntland lagu garab istaago dagaalka Kooxda Daacish, waxaana Xildhibaanka uu shaaca ka qaaday in dagaalka socda uu yahay mid lagu difaacayo dalka iyo diinta.

Xildhibaanka ayaa yiri “Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa ka qaybqaadashada taakulaynta ciidanka naftood hurayaasha ah ee la diriraya cadowga argagixisada ah ee dalkeenna ku soo duulay.”.

“Bil mushaarkayga ah ayaan ku deeqay, waxaanan ku dhiirrigelinayaa labada Gole ee Baarlamaanka in ay gacan ka geystaan taakuleynta naftood hurayaasha difaaca dalkeena iyo diinteena u halgamaya.” ayuu qoraalkiisa kusoo gabagabeeyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Puntland ayaa soo bandhigay Sanduuqa taakuleeynta ee ciidamada Puntland si loogu garab istaago dagaalka ay kula jiraan Kooxda Daacish, Dowladda Soomaaliya ayaa waday maalmihii lasoo dhaafay dadaalo iyo baaqyo ay ku dooneysay inay Puntland ugu muujiso sida ay diyaar ugu tahay inay ku garab istaagto Dagaalka ay kula jiraan Daacish.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).