14.6 C
London
Friday, October 10, 2025

Puntland oo sheegtay inay fashilisay weerar xooggan oo ay kooxda Daacish kusoo qaadday ciidamada Puntland

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Talaado, February 11, 2025 (HOL) – Ciidamada Difaaca Puntland ayaa la sheegay inay fashliyeen weerar ku bilowday qaraxyo oo ay kooxda Daacish xalay saqdii dhexe kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan deegaanka Haraaya ee togga Jaceel ee buuraha Calmiskaad.

Bogga lagu soo gudbiyo macluumaadka howlgalka Hillaac ee ka dhanka ah Daacish ayaa lagusoo bandhigay maydadka dagaalamayaasha kooxda Daacish, kuwaas oo lagu dilay dagaalka iyo kuwa isqarxiyay.

Saraakiisha ciidanka Puntland waxay sheegeen inay horey ula socdeen xogta weerarkan, iyagoo sheegay inay toogteen dhammaan kooxdii Daacish ee weerarka soo qaadday. Waxay sidoo kale sheegeen in khasaaraha ciidamadu uu kooban yahay.

Welise lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha labada dhinac. Puntland waxay sheegtay inay gadaal kasoo faahfaahin doonto khasaaraha dagaalka.

Waa weerarkii labaad oo ay kooxda Daacish si toos ah ugu soo qaaddo ciidamada Puntland, tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Daacish bishii December ee sanadkii hore.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).