15.2 C
London
Friday, October 10, 2025

Golaha Wakiillada SSC Khaatumo oo isku khilaafay samaynta guddida dastuurka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, February 10, 2025 (HOL) – Golaha Wakiillada maamulka SSC Khaatumo ayaa isku khilaafay samaynta guddida dastuurka, waxaana guddoomiyaha golahu uu go’aanka arrinta dastuurka ku riixay maxkamadda.

Guddoomiyaha Golaha, Jaamac Yaasiin Warsame, oo kasoo horjeeda samaynta guddida dastuurka taas oo xildhibaannada qaar ay doonayaan in ay horseed u noqoto dastuur guud oo uu yeesho maamulka, ayaa si degdeg ah u soo xidhay kalfadhigii saaka, isagoo go’aanka arrimaha dastuurkana ku riixay xeer-ilaalinta.

“Waxaanu ku wargelinaynaa xildhibaannada in hindise-sharciyeedka dhisidda dastuurka SSC Khaatumo uusan ku caddeyn axdiga SSC Khaatumo, diidmo iyo oggolaansho toona. Sidaa darteed, waxaanu idinku wargelinaynaa in hay’adda garsoorka aanu u gudbinayno,” ayuu yidhi Guddoomiye Jaamac Yaasiin.

Xildhibaanno ka tirsan golaha oo warbaahinta la hadlay fadhiga ka dib ayaa sheegay in guddoomiyuhu uu afduubay kalfadhiga, isla markaana uu xidhay iyada oo ay yaallaan hawlo sharci oo u baahan in laga doodo. Waxay intaa ku dareen in hawlaha dastuurku ay muhiim u yihiin maamulka.

Dhinaca kale, buuq ayaa ka dhashay golaha kadib markii xildhibaanno qaarkood ay ka cadhoodeen go’aanka guddoomiyuhu ku hor istaagay aasaasidda guddida dastuurka. “Reer SSC, dad ka mid ah oo xildhibaanno u ah oo ay soo doorteen, waxay u taagan yihiin in aan dastuur loo samayn,” ayuu yidhi mid ka mid ah xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo Madaxweyne Ku Xigeenka maamulka ayaa aaminsan in wali aanu maamulku dhamaystirnayn, dad ahaan iyo dhul ahaanba, sidaas darteedna ay tahay in dib loo dhigo hawlaha samaynta dastuurka.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).