15.2 C
London
Friday, October 10, 2025

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo howlgalo ka dhan ah Al-shabaab ka sameeyay gobolka Mudug

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Isniin, February 10, 2025 (HOL) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa hawlgal ka dhan ah Al-shabaab ka samaeeyay saacadahii lasoo dhaafay deegaanada kala ah Bacadka Faarax Aadan iyo Caliyaale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Howlgaladaan ayaa la sheegay iney ahayeen kuwa ciidamada iskaashanaya ay kaga hortagayeen abaabul xubno ka tirsan Al-shabaab ka wadeen deegaanadaas.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidamada ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka jab xoogan lagu gaarsiiyay Al-shabaab, islamarkaana ay ku burburiyeen fariisimo ay halkaasi ku lahayeen kooxda.

Ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa deegaano ka tirsan gobolka Mudug, gaar ahaan Koonfurta gobolkaas mudo ka badan hal sano ka wada howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Si kastaba ha ahaatee howlgalkaan ciidamadu ka fuliyeen deegaanada hoostaga Xarardheere ayaa kusoo aadaya, iyadoo muddooyinkii u dambeeyay hakad galeen howlgaladii xoogana ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ka wadeen gobalada Mudug iyo Galgaduud ee ka dhanka ah Al-shabaab.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).