11.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Madaxweyne Donald Trump oo qiray in Maraykanku duqeymo culus uu ka geystay buuraha Calmiskaad

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, February 1, 2025 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in Soomaaliya laga fuliyo duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayo saraakiil sare oo ka tirsan kooxda Daacish oo qorsheynayay weerarro.

Madaxwyene Trump ayaa  sheegay in duqeymahaasi ay ku burburiyeen godadka ay kooxda daacish ku noolaayeen, isagoo sheegay in sinaba aysan waxyeelo ugu geysan dadka rayidka ah.

“Fariinta ku socota ISIS iyo dhammaan kuwa kale ee weerari lahaa Mareykanka waana ku dili doonnaa meel kaste,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Dhinaca kale, war-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa loogu mahad celiyay hawlgalka  Dowladaha Maraykanka iyo Imaaraadka ee lagu bartilmaameedsaday kooxda Daacish ee ku dhuumalaysanaysa Buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Puntland waxay qirtay in duqeymahan  lagu dilay xubno xilal sarsare ka hayey ISIS (Daacish).

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).