11.1 C
London
Thursday, October 9, 2025

Dowladda Federaalka oo cadeeysay sababtii ka dambeeysay muddo kordhintii loo sameeyay Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, February 1, 2025 (HOL) – Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac oo ka qeyb galay kulan ay Suxufiyiinta ka howlgasha Warbaahinta gudaha ay kuweydiinaayeen su’aalo furan ayaa sheegay in go’aanadii kasoo baxay shirkii ugu dambeeyay ee Madasha ay ahaayeen kuwa Masiiri ah oo aysan Shacabka lahayn inay go’aan ka gaaraan Arrimaha Siyaasadda.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac ayaa daaha ka qaaday in sababaha ay waqti kordhinta ugu sameeyeen madaxda Dowlad Goboleedyada dalka ay ahayd kaliya in la isku miisaamo Siyaasadda dalka oo hal mar lawada qabto doorashooyinkoodi.

Saalax Waxa uu shaaca ka qaaday in waxa lagu heshiiyay ay ahayd in 7 sano nidaam doorasho lasoo waday laga gudbo loona gudbo doorasho Qof iyo Cod ah, waxa uu carabka ku dhuftay in Guddiga Doorashada ee la dhisay ay hadda xubnahoodi ay socdaal ku kala bixinayaan degaano kamid ah Dowlad Goboleedyada dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeen Saalax ayaa tilmaamay in ay ku dhow yihiin in Shacabka Gudoomiye Degmo, midka Gobolka ilaa heer hogaamiyaha Dowlad Goboleedkoodi soo doortaan la gaarsiinayo taasna ay tahay meesha loo socdo.

Guddiga Doorashada ayaa sheegay inay qorsheenayaan in Bisha June ee soo socota la qabto doorashooyinka Golaha degaanka inkastoo ay jiraan in siyaasiyiin badan oo mucaarad ah ay diidan yihiin qaabka ay wax u socdaan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).