12.4 C
London
Thursday, October 9, 2025

Puntland oo ka mamnuucday saxaafadda inay la xiriiraan Kooxda Daacish

- Advertisement -spot_imgspot_img
 
Sabti, February 1, 2025 (HOL) – Maamulka Puntland ayaa saxaafadda ka mamnuucay inay xiriir la sameeyaan kooxda Daacish, oo ay Puntland kula dagaalamayso buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in go’aankani uu qeyb ka yahay amar guud oo lagu soo rogay guud ahaan saxaafadda Puntland.

Sida uu wasiirku sheegay, warbaahinta looma oggola inay tagaan deegaanada uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Daacish iyagoo aan fasax ka haysan maamulka.

Sidoo kale, warbaahinta waxaa laga mamnuucay baahinta xog aan laga soo xigan maamulka Puntland. Wasiirka ayaa intaa ku daray in saxafiyiinta aysan tegi karin furimaha dagaalka iyagoo aan oggolaansho rasmi ah heysan.

Wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay sheegtay inay masuuliyad ka saaran tahay bedqabka wariyaha iyo xaaladaha ammaanka ee taagan.

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).