Howlgalkaan ayaa la sheegay in ciidanka NISA ay ku beegsadeen guri ay deganayeen horjoogeyaal ka tirsan Al-shabaab oo la tilmaamay in halkaasi maalmihii lasoo dhaafay ku diyaarinayeen falal argagixiso ah.
War kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgalkaas khasaare xoogan lagu gaarsiiyay horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugna guriga NISA ay beegsatay.
Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma shaacin magacyada horjoogayaasha howlgalka ka dhacay Bariire lagu dilay iyo tiradooda inta ay dhan tahay, hayeshee waxaa la filaya in dib kasoo faahfaahin doonto Taliska hay’adda NISA.
Ciidanka Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa si weyn u kordhiyay mudooyinkii dambe howlgalada ay ka wadaan deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolada kooxda Al-shabaab.