Amarka ay ka banaanbaxayaan shacabka reer Baladxaawo ayaa ah mid lagu faray in ciidamada dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Cabdirashiid Janan iney isaga baxaan gudaha degmada Baladxaawo.
Dadka banaanbaxa sameeyay ayaa ahaa kuwa isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada degmadaas, waxaana ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku muujinayaan taageeradooda ciidamada dowladda, iyagoona sidoo kale cambaareeynaayay faragelinta ciidamada Itoobiya.
Qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha ayaa warbaahinta u sheegay ineysan aqbali doonin in ciidamo shisheeye ay farageliyaan arrimaha gudaha ee degmada Baladxaawo, gaar ahaan dhanka amniga iyo joogitaanka ciidamada qaranka.
Si kastaba ha ahaatee inta badan dadka Soomaaliyeed ayaa u arka amarka kasoo baxay ciidanka Itoobiya ee ku sugan Gedo mid wiiqaya madax banaanida Soomaaliya, mana jirto wax jawaab celin ah oo ay ka bixisay dowladda Soomaaliya amarkan kasoo baxay Itoobiya.